Cameron oo taageeray qaraar ka dhan ah Syria

Ra'iisul wasaaraha dalka Britain David Cameron ayaa sheegay in Britain iyo Maraykanka ay tahay in ay ku biiraan Faransiis oo miiska soo saaraya qaraar golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaas oo sida uu sheegay, looga gol leeyahay in lagu xaqiijiyo in hindisaha Ruushka ee Hubka Syria loo gacan galinayo guddi caalami ah si loo burburiyo.

Mr Cameron ayaa sheegay in uu ugu baaqayo dowladda Syria in ay si cad ugu dhawaaqdo in ay haysato barnaamij hub nuclear, ayna u gacan galiso adduunka si oo burburiyo.

Mr Cameron ayaa sheegay in uu kala hadlayo arrinta madaxwayne Obama oo lagu wado in uu khudbad u jeediyo qaranka Marayknaka maanta galinka dambe.

Faransiiska ayaa sheegay in qaraarka uu ku hanjabayo cawaaqib xun hadii Syria ay ka soo bixi wayso amarada qaraarka.

Labada Gole ee Maraykanku waxay ka doodayaan in Maraykanku tallaabo qaado iyo in kale, inkastoo madaxwaynuhu uu iskii tallaabo u qaadan.