Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dimoqraadiyada iyo Horumarka Itoobiya

Itoobiya ayaa mararka badan lagu sheegaa meel dimoqraadiyada ay ku yar tahay oo aan xoriyad lahayn.

Laakiin waddanka ayaa dhaqaalihiisu uu kordhayaa. Tobankii sanno ee la soo dhaafay dalka ayaa wuxuu diiwaan galiyay toban boqolkiiba koror sanad walba, Bangiga Adduunka ayaa saadaaliyay inay sidaas ku sii socon doonto.

Wariyaha BBC Emmanuel Igunza ayaa warbixintan ku eegaya dimoqraadiyada iyo horumarka Itoobiya.