Talyaaniga oo wali raadinaya maydad

Badda oo kacsan ayaa mar kale hor istaagtay raadinta maydkii dadkii ay doonta kula gadoontay jasiirada Lampedusa ee Talyaaniga Khamiistii.

In kabadan laba boqol oo rakaab ayaa wali la layahay, masuuliyiintana talyaanigana waxay ka digayaan inay maalmo badan qaadan doonto in la helo maydka.

Dowladda Talyaaniga ayaa ku dhiirigalinaysa Midowga Yurub, inay wax ka qabtaan in la joojiyo dadka Afrikaanka ee noloshooda qatarta galinaaya ee soo maraya badda medeteraniyanka.

Midowga Yurub ayaa sheegay, in kooxaha dadka lacagta ka qaadanaya ee doonyaha ku soo qaadaya inay ka faaidaysanayaan dhibaatooyinka dadka haysta.

Image caption Waddamada ay ka imaadaan dadka doonyaha ku imaanaya iyo kuwa ay soo maraan.