Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Wacyi galin cudurka kansarka

Magaalada Muqdisho Koox dhaqaatiir Soomaali ah, ayaa bilaabay olole wacyi galin ah oo ku socdo haweenka iyo kansarka ku dhaca naasaha.

Maanta oo la qabtay Munaasabad daaha looga rogayay bilowga ololahan, ayaa waxaa ka qeyb galay dhaqaatiir, kalkaaliyayaal caafimad iyo gabdho ka socday ururada haweenka iyo arday.

Wariyha BBC ee Muqdisho Maxamed Ibraahim Macalimuu, ayaa halista cudurka wuxuu wax ka waydiiyey Dr Ceydiid Cabdi Kaahiye, oo ka mid dhaqaatiirta wadda Ololahan wacyi galinta oo sharaxaad ka bixinaya ololaha wacyi galinta kansarka naasaha dumarka.