Talyaaniga oo xoojinaya roondada badda

Talyaaniga ayaa kordhinaya roondada ay ku sameeyaan badda mediterranean kadib markii ay ku dhinteen halkaasi boqolaal soo galooti ah oo ku safrayay doomo la buux dhaafiyay oo ka imanaya waqooyiga Afrika.

Tirada maraakiibta roondada ayaa la saddex jibaari doonaa, iyada oo kor loo qaadi doono dayaaradaha roondada sameeya.

Ciidanka militeriga ayaa xoogga saari doona aagga u dhaxeeya, Sicily, Malta iyo xeebaha dalka Libya.

Raiisul Wasaaraha Talyaaniga, Enrico Letta ayaa kala hadli doona maanta arrintan wasiirada gaashaandhiga iyo arrimaha dibedda.

Hey'adda qaxootiga ee Qaramada Midoobay ayaa soo dhaweysay go'aanka dowladda Talyaaniga.

Afhayeen u hadlay UNHCR oo jooga Lampedusa, Maurizio Molina, ayaa BBC u sheegay inay qorsheynayaan inay iyaguna ballaariyaan adeeggooda qaabillaadda soo galootiga sanadka soo socda.