Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Sacuudiga oo diiday xubinimada Golaha Ammaanka

Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa diiday xubinnimada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, maalin kaddib markii loo doortay xubin aan joogta ahayn in ay golaha ka noqoto.

Sacuudiga ayaa ku eedeyay Golaha Ammaanka laba wajiilenimo ka hor joogsatay inuu ilaaliyo ammaanka iyo nabada caalamka.

Waxaa ay intaa ku dartay in golaha uu ku guuldaraystay masuuliyada ka saaran Falastin iyo Suuriya, iyo weliba in hubka nuclear-ka laga baabi'iyo Gobolka Bariga Dhexe.

Wararka ay BBC-da arrintaasi ka qortay waxaa inoo haya Axmed Xaaji Xasan.