Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Waraysi madaxa radio Shabeelle

Boliiska iyo ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa galay xarunta Radio Shabeelle ee Muqdisho, kadibna Raadiyaha hawada ka saaray.

Dowlada ayaa sheegtay inay doonayso dhismaha raadiyaha oo ay dowladda leedahay. Maanta ayay ku ekeyd shan maalmood oo ay dowladda u qabatay raadiyaha inay dhismaha kaga baxaan.

Maxamed Amiin oo ka mid ah madaxda Radio Shabeelle ayaa BBCda u sheegay, in ciidamada ay shaqaalihii idaacada baabuur ku qaadeen oo la geeyay saldhiga. Wuxuu sheegay shanta maalmood ee loo qabtay inay aad u yarayd oo aan lagu rari karin qalabka hayadda.