Isra'iil "oo weerar ku qaadday Suuriya"

Israel
Image caption Diyaaradaha dagaalka ee Isra'iil ayaa weeraray Suuriya

Mas'uuliyiin Maraykan ah ayaa sheegay in Isra'iil ay weerar xagga cirka ah ku qaadday magaalada Laadiqiyah ee dalka Suuriya.

Bartilmaameedku waxaa uu ahaa gantaallo laga soo saaray dalka Ruushka.

Israa'iil aya diidday inay k hadasho arrintan.

Image caption Ciidammada Israa''iil oo ku sugan meel u dhaw xadka Suuriya

Ladiiqiyah ayaa ah halka uu madaxwene Bashar Al Asad ka haysto taageerada ugu badan, iyadoo ay deggan yihiin qabiilka Calawiyah ee uu ka dhashay.

Haddii uu dhab noqodo, waa weerarkii afaraad ee Isra'iil ay Suuriya ku qaaddo tan iyo markii ay dgaallada sokeeye billawdeen.

Weriye BBC ka tirsan oo ku sugan gobolka ayaa sheegayo in weerarku yimid xilli xun oo Maraykanka iyo Ruushka ay qorshaynayaan inay shir dib u heshiisiin ah u qabtaan dhinacyada Suuriya.

Isara'iil ayaa ka cabsi qabto in hubkaas loo waday ururka ka dagaallamo koonfurta Lubnaan ee Xisbullah.

Wararkan aya soo baxayo maalin kaddib markii uu guddiga caalammiga ee mamnuucidd hubka kiimikada sheegay in la burburiyay dhamaan qalabkii loo adeegsan lahaa in lagu soo saaro hubka kiimikada ee Suuriya.

Mas'uuliyiinta ayaa rajaynayo in u hogaansanaanta dalkooda ee baarayaasha caalamiga ay baddali doonto fikirka laga qabo dowladooda.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan