Wadahadalka Nukliyarka Iraan oo billawday

Iran
Image caption Xarunta Nukliyarka ee Iraan

Iraan iyo waddamada reer galbeedka ayaa shir ku leh magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Image caption Wasiirka arrimaha dibedda Iraan Jawaad Dariif ayaa filayo in uu hagaago xiriirka uu dalkiisu la leeyahay reer galbeedka

Shirkan oo ay ka qeybgalayaan shanta xubnood ee daa'imka ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo Jarmalka ayaa la filayaa in looga hadlo faafaahinta barnaamijka Nukliyarka ee Iraan.

Quwadahan caalamka ayaa la filayaa in Iraan ay ka codsadaan in gebi ahaanba ay joojiso soosaarka Nukliyarka.

Maraykanka iyo Iraan ayaa isu soo dhawaanayay tan iyo markii la soo doortay madaxweyne Xasan Ruuxaani.

Reer galbeedka ayaa Iraan ku eedeeyay inay doonayso inay soo saarto hubka Nukliyarka.

Iraan waxay sheegtay in barnaamijkeeda Nukliyarka uu yahay mid nabadgelyo ah oo lagu soo saarayo korontada.

Mas'uuliyiin ka socota quwadaha dunida ayaa sheegay inay eegi doonaan hindiso cusub oo ay soo gudbisay Iraan.

Wasiirka arrimaha dibedda ee Iraan Maxamad Jawaad Dariif, ayaa sheegay inuu rajaynayo in wadahadalladan ay sabab u noqon doonaan in uu wanaagsanaado xiriirka u dhexeeyo Iraan iyo reer galbeedka.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan