Iraan oo diyaar u ah in heshiis la gaaro

Iran
Image caption Wasiirka arrimaha dibedda Iraan

Waxaa rajo laga qabaa in heshiis kooban laga gaaro wadaxaajoodka ka socda magaalada Geneva, ee looga hadlayo barnaamijka Nukliyarka-ka ee Iraan.

Xoghaya arrimaha dibedda ee Maraykanka John Kerry ayaa la filayaa in maanta uu ku biiro wadaxaajoodka.

Wasiirka arrimaha dibedda ee Iraan Maxamad Jawad Dariif ayaa shegay in uu aaminsan yahay in dalkiisa iyo quwada adduunka, ay isfahan gaari donaan.

Image caption Tan iyo markii la doortay Xasan Ruuxaani, Maraykanka iyo Iraan ayaa isu soo dhawaanayay

John Kerry ayaa haatan ku sugan dalka Isra'iil oo si weyn uga soo horjeeda barnaamijka Nukliyarka ee Iraan.

Ra'iisalwasaaraha Isra'iil Benjamin Netanyahu ayaa horey u sheegay in loo baahan yahay in beesha caalmaka ka hor istaagto Iraan inay samaysato hubka Nukliyarka.

Maraykanka iyo Iraan ayaa isu soo dhawaanayay tan iyo markii la soo doortay madaxweyne Xasan Ruuxaani.

Reer galbeedka ayaa Iraan horey ugu eedeeyay inay doonayso inay soo saarto hubka Nukliyarka.

Iraan waxay sheegtay in barnaamijkeeda Nukliyarka uu yahay mid nabadgelyo ah oo lagu soo saarayo korontada.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan