Ajnebiga Sacuudiga lagu xiray waa 30,000

Saudi
Image caption Ku dhawaad 30,000 oo ajnebu ah ayaa Sacuudiga lagu xiray

Sacuudiga ayaa xiray 30,000 oo ajnebi ah oo sharci darro ku jooga dalkaas.

Xarumo badan oo ganacsi ayaa xiran iyadoo dadka ajnebiga aanay shaqo tegin oo ay ka cabsi qabaan in boliisku xiraan.

Dhowr maalmood ka hor ayuu dhamaaday waqtigii kama dambaysta ee Sacuudigu u qabtay dadka aan sharicaga haysan inay dalka ka baxaan ama sharci samaystaan.

Arrintan ayaa qeyb ka ah dadaal uu Sucuudigu ku yareynayo ku tiirsanaanta Sideedda Milyan ee shaqaalaha ajnebiga ah.

Sawiro lagu baahiyay internetka ayaa tusay, dad aad u badan oo ah ajnebi oo dhulka fadhiyo kadib markii boolisku kasoo uruuriyeen meelihii ay ku sugnaayeen.

Dadka ayaa horey loo siiyay muddo 6 bilood ah inay sharci ku samaystaan kaddib markii Sucuudigu soo saaray xeer adag oo dhanka Shaqaalaha ah.

Image caption Kumanaan ajnebi ah ayaa ka baxay dalka Sacuudiga

Sarkaal sare oo ka tirsan maamulka Indoneesiya ayaa u sheegay BBC-da in dalkiisa uu diyaarinayo in Sacuudigu ka soo saaro 8,000 oo ruux oo dalkaas ku sugan.

Sarkaalkan ayaa sheegay in dadkan qaarkood ay deganaayeen Sucuudiga muddo 30 sano ka badan.

Jidadka magaalooyiinka Sacuudiga ayaa haatan cidlo ah, iyadoo ay xiran yihiin inta badan xarumaha ganacsiga.

Arrintan ayaa xittaa saamayn ku yeelatay aaska maydadka.

Ajnebiga oo inta badan howshan qaban jiray, ayaanay u suuragelayn inay dhaqaan maydadka.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan