Militeriga Libya oo la wareegay casimadda

Libya
Image caption Militeriga Libya ayaa la wareegay Tripoli

Militeriga Libya ayaa la wareegay caasimadda Libya ee Triboli maalmo kaddib markii ay halkaas ka dhaceen iskahorimaadyo hubaysan.

Waxay magaalada ka saarayaan dableyda hubaysan ee lagu eedeynayo rabshadaha ku soo noqnoqonayay magaalada.

Dadweyne ku faraxsan tallaabadan ayaa militeriga ku salaamayay waddooyinka Triboli.

Waxaa Triboli ku soo kordhayo xaaladaha ammaan darro iyadoo ay ku sugan yihiin dabley hubaysan oo aan ka amar qaadan dowladda.

Ra'iisalwasaaraha Libya Cali Zeydaan ayaa horey u sheegay inuu doonayo in dhamaan dableyda hubaysan laga saaro magaalada Triboli.

Dableyda ugu xoogga badan ee ku sugan caasimadda waxay ka soo jeedaan magaalada Misraata ee ku taalla galbeedka dalkaas.

Image caption Dibedbaxyo looga soo horjeeda dableyda hubaysan ee ku sugan magaalada

Kaddib maalmo ay muddaaharaadayeen dadka casimadda degan, ayaa maamulka Misraata waxaa uu ugu baaqey dablaydaas inay ka oo baxaan Triboli.

Ugu yaraan 43 ruux ayaa ku dhimatay mar ay dadka degaanka qaarkood isku dayeen in magaalada ay ka bixiyaan dableyda hubaysan ee ka sugan magaalada.

Dableydan oo loo yeqaanno Guutada Misraata ayaa ah tan ugu xogga badan dalkaas.

Triboli waxaa haatan ka socda saddex maalmood oo shaqo joojin ah kaddib xaalado ammaan darro oo magaalada ka dhacaysay tan iyo markii xukunka laga tuuray hoggaamiyihii hore ee dalkaas Mucammar Qadaafi.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan