Koox sunni ah ayaa sheegatay weerarka safaaradda Iraan

Beyrut
Image caption Koox sunni ah ayaa sheegtay weerarka safaaradda Iraan ee Beyruut

Koox sunni ah oo reer lubnaan ah oo ku xiran Al Qaacida ayaa sheegatay weerar is qarxin ahaa oo lala eegtay Saafaradda iran ee Beyrut.

Ugu yaraan 20 ruux ayaa ku dhimatay weerarkaas, dad kor u dhaafayo 150 ruux oo kalena way ku dhaawacmeen.

Dadka dhintay waxaa ku jiro mas'uulkii safaaradda Iraan ee arrimaha dhaqanka, Sheekh Ibraahim Ansaari.

Wasiirka arrimaha dibedda ee Iraan ayaa sheegay in tan ay digniin u tahay xaaladda amni darro ee ka jirto gobolka.

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si weyn u cambaareeyay qaraxa.

Maraykana ayaa qaraxa ku tilmaamay mid aad u xun oo ay gaysteen dad aan dareemmo lahayn.

Image caption Wadahadalladan ayaa ah kuwii saddexaad muddo dhowr toddobaad ah

Weerarkan ayaa ku soo beegmay iyadoo ay cirka isku shareerayaan dagaallada ka socda gudaha dalka Suuriya.

Dagaalladan ayaa u dhexeeya mucaaradka hubaysan ee Suuriya ee u badan Sunniyiinta iyo dowladda madaxweyne Bashaar Al Asad ee ay taageeraan shiicada.

Iraan ayaa lagu eedeynayaa inay taageerto dowladda Suuriya.

Ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan, oo isaguna ollog la ah Iraan, ayaa taageero militeri u fidiyay dowladda Suuriya.

Iraan ayaa horey ugu digtay colaad u dhexeysa Shiicada iyo Sunniyiinta oo ka dhacdo Bariga Dhexe oona halis ku ah amniga dunida.