Ukrain oo xusaysa dhimasho malaayiin qof

Image caption Xasuusta loo samaynayo dadka dhintay.

Dadka reer Ukrain ayaa xusaya siddeetan guuradii ka soo wareegtay abaartii loo yaqaanay "Dhimashadii baahida". Ugu yaraan saddex milyan oo qof ayaa ku dhintay waqtigii qaboobaha 1932 iyo 1933dii.

Taariikhyahanada qaar ayaa sheegaya in tirada dadka dhintay ay intaa ka badnayd. Dadka Ukrain intiisa badan ayaa waxay aaminsan yihiin in abaarta ay ahayd xasuuq uu isku dayay Joseph Stalin inuu dadka ku qasbo beeraha.

Laakiin Ruushka ayaa diidan inay ahayd xasuuq, waxayna ku adkaysteen in dhimashada aysan ahayn mid la qorsheeyay.