Suuriya: Toban kun oo carruur ayaa dhimatay

Image caption In kabadan toban kun oo carruur ayaa ku dhimatay dagaalka Suuriya.

Warbixin cusub oo la soo saaray ayaa sheegaysa in dagaalka sokeeye ee Suuriya uu dilay in kabadan kow iyo toban kun oo carruur, iyadoo ugu yaraan kun carruur lala beegsaday dil.

Baaritaanka oo ay sameeyeen kooxda Oxford Reaseach oo la tusiyay BBC, ayaa sidoo kale sheegaysa in in kabadan boqol carruur oo qaar ay ka yar yihiin hal sano, ay jirdil u dhinteen.

Warbixinta ayaa sheegtay in dadka badanaa ay u dhinteen madaafiic ku soo dhacay agtooda.

Waxay ku baaqaysaa warbixinta in labada dhinac ay joojiyaan dilka carruurta, iyo dacwaynta dadka gala tacadiyadaha bini'aadanka