Joe Baiden oo booqanayo Shiinaha

Jasiiradaha lagu muransan yahay

Madaxweyne kuxigeenka Maraykanka Joe Baiden ayaa gaaray magaalada Beijing ee dalka Shiinaha xilli uu jiro xiisad u dhexeeya labada dhinac.

Waxaa uu wadahadal la yeelan doonaa madaxweynaha Shiinaha Xi Jiping.

Booqashada ayaa imanayso iyadoo ay jirto xiisad u dhexaysa Shiinaha iyo Maraykanka oo ay la jiraan xulafadiisa gobolka.

Arrintan ayaa ka dambaysay markii uu Shiinuhu ku dhawaaqay aag diyaaradaha ka caaggan oo ku yaalla jasiiradaha ay ku muransan yihiin Shiinaha iyo Jabaan.

Maraykanka ayaa horey u sheegay inuu ku xadgudbay aagga uu militeriga ka caaggan ee Shiinuhu ku dhawaaqay.

Shiinaha ayaa sheegay in diyaaradaha dagaalka ay u direen aaggaasi si ay wax uga qabtaan diyaaradaha ku xadgudbaya aaggaas.

Jabaan iyo Maraykanka ayaa ka cabsi qabo in arrintaas ay dhalin karto iska horimaadyo militeri oo aan loogu talagelin.