Mucaaradka oo diiday guddiga Puntland

Puntland
Image caption Mucaaradka Puntland ayaa ku gacanseyray guddi uu ku dhawaaqay madaxweynae Faroole

Mucaaradka Puntland ayaa ku gacanseyray guddiga xallinta khilaafaadka ee uu magacaabay madaxweynaha.

Madaxweyna cabdiraxmaan Sheekh Maxamed ayaa ku dhawaaqway magcabidda guddiga xalinta khilaafaadka iyo ansixinta golaha wakiillada Puntland.

Musharraxiinta ayaa waxay sheegeen in loo baahnaa in madaxweynuhu uu musharxiinta kale kala tashado magacaabidda guddigan, sida uu qorshuhu ahaa.

Sidaas darteed, waxay sheegn in aysan aqoonsaneyn guddiga uu ku dhawaaqay madaxweyne Cabdiraxmaan.

Guddigan ayaa waxa uu muhiim u yahay ansixinta xubnaha golaha wakiilada ee la soo xusho iyo xallinta khilafaadka ka yimaado arrintan.

Shi Jaraa'id oo qaar ka mdi aha msuaharrixinta ay qabteen ayaa siyaasiinta ka ahdlay waxa ka mid ahaa Shire Xaaji Farax oo go'aanka amdaxweynaha ku tilmaamay wax aan la qabali karin.

Msuharaxa kale ee Cabdullahi Saacid Samatar oo isna arintani ka hadlay ayaa sheegay in ay msuaharrixiinta ku heshiiyeen in ay sameyn doonaan guddi kale oo iyagu u cuntamo.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan