Kenya oo dabbaaldegeysa

Dadka reer Kenya ayaa bilaabay toddobaad dabbaaldegyo ah oo ay ku xusayaan konton guurada ka soo wareegtay markii ay madaxbanaanida ka qaateen Britain, oo horey u gumeysan jirtay.

Kumanaan dad ah ayaa daawanaya fanaaniin heesaya iyo kooxo ku cayaaraya hiddaha iyo dhaqanka Kenya, garoon ku yaal magaalada Nairobi, halkaasi oo uu ka qaybgalay Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo hoggaamiyayaal ajnabi ah.

Mar sii horreysay bam gacmeed ayaa lagu tuuray baabuur ay saarnaayeen laba qof oo British dalxiis ah magaalada xeebta ku taal ee Mombasa, laakiin bambadaasi ma qarxin.

Xalay Saqdii dhexe, ayaa calanka Kenya waxa laga taagay isla goobtii xilligaasi madaxbanaanida laga taagay oo ah beerta Uhuru Gardens 12 December, 1963.

Gito Kyengeri ayaa joogay xilligii calanka la taagay muddo konton sano laga joogo ayaa ka hadlay dareenkiisa oo sheegay in ay wax weyn u tahay dhammaan dadka reer Kenyan.