Dibedbaxyo xigay dilka hoggaamiye Islaami ah Bangladesh

Kader Mullah
Image caption Gawaarida lagu qaaday maydka Sheekh Cabdulqaadir Mullah

Dibedabaxyo qalalaase watay ayaa ka dhacay qeybo ka mid ah dalka Bangladhesh kaddib dilkii hoggaamiye Islaami ah.

Sheekh Cabdulqaadir Mullah ayaa lagu helay dambiyo ka dhan ah aadanaha.

Maxkamadda sare ee dalkaas ayaa taageertay xukun dil ahaa oo ay horey ugu ridday maxkamad kale.

Ugu yaraan saddex ruux ayaa lagu dilay markii boliiska iyo dibadbaxayaasha ay isku dhaceen.

Dibedbaxayaasha ayaa sidoo kale dab qabadsiiyey guryo, dukaamo iyo gawaari.

Cabdulqaadir Mullah ayaa la daldalay khamiistii, waxaana oo lagu helay dambiyo ka dhan ah aadanaha oo la dheegay ina xilligii dagaalka 1971 ee madaxbanaanida looga doonayay Pakistan.

Waxaa dalkaas sidoo kale ka dhacay dibedbaxyo lagu taageerayo daldalaadda Cabdulqaadir Mullah.