Mas'uul Maraykan ah oo tegtay Afrikada dhexe

Afrikada Dhexe

Safiirka dowladda Maraykanka ee Qaramada Midoobay ayaa booqanaysa Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe kaddib wararka sheegayay in kumanaan ruux lagu dilay halkaas.

Samantha Power ayaa sheegtay sida ay uga xun tahay dagaalka ka jira dalkaasi iyo kooxaha Muslinka iyo Kiristaanka ee is laynayo.

Waxay sheegtay in loo baahan yahay in tallaabo deg deg ah la qaado si loo badbaadiyo nolosha dadka.

Hay'adaha xuquuqul insaanka ayaa iyaguna sheegay inay jirto cabsi ah in la dilay ku dhowaad kun ruux labadii maalmood ee la soo dhaafay,

Dadkan la dilay ayaa u badan xubnihii jabhaddii hore ee muslinka, ee la dagaalamayay maleeshiyada kiristaanka ah.

Samantha Power ayaa dhawaan wax ka qortay xasuuqii ka dhacay Rwanda iyo sida maraykanka iyo beesha caalamka ay ugu guuldaraysteen inay wax uga qabtaan.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan