Masar: Qarax ka dhacay saldhig milatari

Qarax ayaa ka dhacay dhismaha sirdoonka milatariga ee Masar ee gobolka Nile Delta. Wasiirka arrimaha gudaha ayaa sheegay in afar askari ay ku dhaawacmeen.

Waa weerarkii labaad ee lagu qaado ciidamada ammaanka tan iyo toddobaadkii hore. Talaadadii, bambaano ayaa dishay lix iyo toban qof xarun boliis ee magaalada Mansoura.

Waxaa jira weeraro lala beegsanayo ciidamada ammaanka tan iyo intii xukunka laga riday Maxamed Morsi bishii July.

Dad badan ayaa ku eedeynaya weerarka kooxda Akhwaan Muslimiin, laakiin way beeniyeen inay ka danbeeyaan qaraxyada.