K Sudan: Wadahadal toos ah oo baaqday

Image caption Ciidamada dowladda ayaa doonaya inay ka qabsadaan magaalooyin mucaaradka.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Itoobiya, Tedros Adhanom, ayaa sheegay in wadahadalo toos ah oo u dhaxeeya labada dhinac ee Koonfurta Sudan inay baaqdeen maanta.

Kulamo ayaa wali ka socda magaalo madaxda Itoobiya ee Addis Ababa, si loo diyaariyo ajendaha wadahadalada tooska ah.

Wariyaha BBC ee Koonfurta Sudan ayaa sheegaya in dagaal xoogan uu socdo.

Ciidamada daacada u ah Madaxweyne Salva Kiir, ayaa isku diyaarinaya inay qabsadaan magaalooyinka Bentiu iyo Bor, oo hadda ay maamulaan taageerayaasha Riek Machar.

Labada dhinac ayaa doonaya inay qabsadaan meelo badan intaan wadahadalka uusan bilaaban.

Isagoo la hadlaya BBC Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Koonfurta Sudan, Barnaba Marial Benjamin, ayaa diiday inuu mucaaradka uu u sheego waxa ay u ogol yihiiin.