Suuriya: kooxda ISIS oo bixisay amar

Image caption Kooxda ISIS ayaa ku dhaqanta Islaam mayal adag.

Koox xiriir la leh Alqacida waqooyiga Suuriya, oo lagu soo waramayo in qasaaro ka soo gaaray dagaal ay la gashay mucaaradka Suuriya, ayaa soo saartay amar ay ku doonayso in la joojiyo weerarka.

Kooxda ISIS ayaa lagu soo waramayaa in laga qabsaday magaalada Atareb, oo soddon iyo shan kilometer u jirta magaalada Xalab.

Waxaa la aaminsan yahay in dagaalka uu keenay muran ka dhashay hogaanka, iyo ka soo horjeed islaamka mayalka adag ee ay ku dhaqmaan kooxda ISIS.

Kooxda ISIS ayaa sheegay, hadii aysan mucaaradka joojin dagaalka labaatan iyo afar saacadood, inay joojin doonaan difaaca Xalab ee ay kaga soo horjeedaan ciidamada dowladda