Afrikaan ku banaanbaxay Israel

Image caption Dadka Afrikaanka ayaa waxay u badan yihiin dad ka yimid Sudan iyo Eritaria.

Kumanaan Afrikaan oo magangalyo u jooga Israel ayaa ka bilaabay banaanbax magaalada Tel Aviv ee Israel. Dadka ajnabiga ayaa badankood ka imaaday Sudan iyo Eritrea, waxayna ka banaanbaxayaan xabsiga waqtiga dheer lagu hayo dadka sharci darada ah ee magangalyada u yimid.

Dowladda Israel, ayaa ku qiyaasaysa in lixdan kun oo Afrikaan ah ay soo galeen waddankeeda.

Sharci la soo saaray bishii hore, ayaa dadka sharci darada la hayn karaa ilaa hal sano.

Laba toddobaad ka hor dadka Afrikaanka ayaa ku banaanbaxay Tel Aviv, iyagoo codsanaya in la sii daayo saddex kun oo qof oo xiran.