Dabaylo qabow oo ku dhuftay USA

Qabow
Image caption Dabaylo baraf wata ayaa ku dhuftay Maraykanka

Dabeylo qabow wata ayaa ku dhuftay Galbeedka Maraykanka, waxaana cabirka heerkulka uu gaaray heerkii ugu hooseeyay tobaneeyo sano.

Meelaha qaar, cabirka heerkulka ayaa darajada eber 30 darajo ka hoos maray, waxaana goobahaasi ka dhacay dabeylo aad u qabow oo halis gelin karo noolosha bani'aadanka.

Mas'uuliyiinta gobollada uu qabowga ku dhuftay ayaa sheegaya in dad badan oo Maraykan ah aysan weligood arag xaalad noocaan oo kale ah.

Duqa magaalada Indianapolis ee gobolka Indiana Greg Ballard ayaa sheegay in dadka looga baahan yahay inay taxadar muujiyaan.

Dadka degan gobollada ay sameeyeen dabaylaha qabow ayaa loogu baaqey inay guryahooda ku sugnaadaan iyadoo qabowga uu halis ku yahay noolosha dadka.

Waddooyinka waaweyn qaarkood ayuu xiray barafka iyadoo la hakiyay duulimaadyada diyaaradaha qaarkood.

Iskuullada gobolka Minnesota ayaa la xiray iyadoo laga cabsi qabo in carruurta uu ku dhaco qabowga halista ah.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan