Maalintii labaad ee codaynta aftida Masar

Masar Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Taageerayaasha Taliyaha Militeriga, Cabdifataax Al-Sisi

Codbixintii aftida dastuurka ayaa maalintii labaad ka socota dalka Masar.

Dastuurkii hore ee uu sameeyay Madaxwaynihii xilka laga tuuray ee Maxamed Mursi ayaa isbadallo lagu sameeyay.

Dowladda uu taageera militeriga dalka Masar ayaa doonaysa in dastuurkaasi loo codeeyo.

Ururka Ikhwaanul Muslimiinka oo loo aqoonsaday urur argagixiso, ayaa ku baaqay inaan laga qeyb qaadan codbixintan.

Ugu yaraan 9 ruux ayaa ku dhimatay isku dhacyo ay ku lug lahaayeen taageerayaasha Mursi oo dibedbaxyo dhigay.

Aftidan ayaa la qabanayaa dhowr bilood kaddib markii xukunka laga tuuray madaxweyne Maxamad Mursi.

Tobanaan kun oo askari ayaa lagu soo daadiyay waddooyinka si ay u sugaan ammaanka aftidan destuurka.

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Taageerayaasha Ikhwaanul Muslimiinka oo dibedbaxyo wada

Destuurkan qabyada ah ee loo codeynayo ayaa baddeli doonoo destuurkii la ansixiyay xilligii uu Mursi madaxweynaha ahaa.

Militeriga ayaa xukunka ka tuuray Mursi lix bilood ka hor.

Lahaanshaha sawirka AP

Weriyaha BBC-da ee Qaahira ayaa sheegaya in militeriga ay doonayaan in loo codeeyo destuurkan si loo ansixyo tallaabadii xukunka looga tuuray Maxamd Mursi.

Mursi ayaa ahaa madaxweynihii ugu horrey ee si dimuqraadi ah loo soo doortay dalka Masar.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Masar ayaa sheegay in 200,000 oo boliis iyo dhowr boqol oo ciidan gaar ah ay ka qeyb qaadanayaan sugidda ammaanka aftida.

Weriyaha BBC-da Orla Guerin ayaa sheegtay inuu jiro olole ballaaran oo dadka loogu baaqayo inay destuurka u codeeyaan.

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Militeriga ayaa xukunka ka tuuray Maxamad Mursi

Balse waxaa adag inaad aragtid wax astaan ah oo ay leeyihiin dadka u ololaynayo in laga soo horjeesta destuurka.

Xisbiga uu hoggaamiyo ninka Islaamiga ee Cabdilmuncim Abulfatuux, ayaa sheegay inuu qaadacay aftida kaddib markii la xiray qaar ka mid ah xubnihiisa oo u ololaynayay in "maya" loogu codeeyo destuurka cusub.

Destuurka waxaa qoray 50 xubnood oo aanay ku jirin Islaamiyiinta, halkaa kii la qoray xilligii Mursi ay iyagu u badnaayeen dadka qoray.

Dadka ka soo horjeeda destuurka cusub waxay sheegayaan inuu u danaynayo militeriga.

Waxaa ku qoran in dadka rayyidka ah la hor gayn karo maxkamadaha militeriga.

Waxaa kale oo ku qoran inay shardi tahay in militerigu oggolaado cidda qabanayso xilka wasiirka difaaca ee dalkaas sideedda sano ee soo socota.

Destuurkii hore waxaa ansixiyay boqolkiiba 64 dadka codeeyay, basle waxaa doorashada ka qeybqaatay boqlkiiba 32 daka xaqa u leh inay codeeyaan.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan