Reer Galbeedka "oo la hadlay" Suuriya

Dagaalka Suuriya Lahaanshaha sawirka Reuters

Sirdoonka waddamada reer galbeedka ayaa booqday magaalada Dimishiq ee Suuriya si ay dowladda ula yeeshaan wadahadal la xiriira sidii looga hortagi lahaa "argegixisada"

Wasiir kuxigeenka arrimaha dibedda ee Suuriya Faysal Miqdad ayaa sheegay in ay jirto kala qeybsanaan u dhexaysa saraakiisha nabadsugidda ee waddamada reer galbeedka iyo siyaasiyiintooda.

Siyaasiyiinta reer galbeedka ayaa horey uga codsaday Madaxweynaha Suuriya in uu is casilo.

Dhowr maalmood ka hor ayaa Maraykanka iyo Britain waxay sheegeen inay ka fiirsan doonaan taageerada ay siiyaan mucaaradka la dagaallamaya dowladda Suuriya haddi ay diidaan inay ka qeybgalaan wadahadalka lagu qaban doona Geneva.

Waxaa jiro walwal soo kordhayo oo laga qabo dagaalyahanka "mayalka adag" oo ku sii kordhaya ee ku dhexjiro mucaaradka hubaysa ee Suuriya.

Iyadoo muddo toddobaad ah ay ka dhimantahay kulanka ku saabsan nabadda Suuriya, ayaa mucaaradka intooda badan waxay sheegayaan in aanay ka qeybgali doonin.

Kala qeybsanaan ka muuqata mucaardaka ayaa la tilmaamayaa in ay sababtay in uu is baddelo moqifkii laga taagnaa xukuumadda Bashar al-Asad.

Dowladda Suuriya ayaa horey u sheegtay inay shuruud la'aan ka qeybgeli doonto wadahadalka nabadda ee Geneva.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan