Wasiirrada Soomaaliya oo lagu dhawaaqay

Baarlamaanka Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Baarlamaanka Soomaaliya ayaa la horgayn doonaa golaha wasiirrada

Ra'iisalwasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa ku dhawaaqay liiska cusub ee galihiisa wasiirrada.

Waxay isugu jiraan wejiyo cusub iyo qaar ka mid ah wasiirradii hore oo la soo celiyay.

Magacyada meesha ka maqan waxaa ka mid ah Ra'iisalwasaare kuxigeenkii hore isla markaana ahayd wasiirka arrimaha dibedda, Fowziya Yusuf Xaaji Aadan.

Ra'iisulwasaaraha ayaa sheegay in uu golaha cusub ee wasiirrada uu soo dhisay kaddib wadatashi ballaaran.

Golahan cusub ee wasiirrada ayaa ka kooban 25 wasiir, 5 wasiirudowle iyo 24 wasiir ku xigeen.

Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Cabdikarim Guuleed ayaa haatan loo magacaabay wasiirka Aminga Qaranka.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka waxaa loo magacaabay Cabdullahi Goodax Barre, oo horey wasiir uga soo noqday dowladdii KMG ee Sheekh Sharif.

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Tarsan ayaa loo magacaabay wasiir kuxigeen

Fowziyo Yusuf Xaaji Aadan waxaa baddelay Cabdiraxman Ducaale Beyle oo loo magacaabay wasiirka cusub ee arrimaha dibedda

Faarax Cabdiqaadir oo horey u ahaa wasiirudowlaha madaxtooyada ayaa haatan loo magacaabay wasiirka garsoorka iyo arrimaha dastuurka.

Duqa magaalada Muqdisho Maxamad Axmed Nur Tarsan ayaa loo magacaabay wasiir kuxigeenka Sports-ka iyo dhallinyarada.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa la horgayn doonaa golahan wasiiradan si loo ansixiyo.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan