Madaafiic lala dhacay woqooyiga Lubnaan

Arsal Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Magaalada Carsal ee dalka Lubnaan ayaa madaafiic lala dhacay

Dalka Lubnaan madaafiic lagu garaacay magalaada xadka Suuriya ku taalla ee Carsal ayay ku dhinteen ugu yaraan toddoba ruux.

Militeriga Lubnaan ayaa sheegay in madaafiicdaasi laga soo tuuray dhanka dalka Suuriya.

Balse Duqa Magalaada Carsal ayaa sheeegay in gantaaladasi ay uga soo dhaceen gudaha dhulka Lubnaan, gaar ahaan dhulka uu maammulo ururka Xisbullah .

Magaalada Carsal oo ku taala Dooxada Biqaac, ayaa waxaa ku sugan kumanaan qaxooti Suuriyaan ah oo ka soo cararay rabshadaha dalkooda.

Dadka ku sugan magaalada Carsal ayaa waxay taageeraan mucaaradka dalka Suuriya ka dagaallamaya ee ka soo horjeeda dowladda Madaxwayne Bashaar Al-Asad.

Ururka Xisbullah oo isaguna ka dagaallamo woqooyiga Lubnaan ayaa taageera dowladda madaxweyne Bashar Al-Asad.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan