Labaatan ku dhimatay qarax Kabul

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Maqaayada ayaa waxaa u badnaa dadka ajnabiga iyo shaqaalaha dowladda.

Cambaarayn badan ayaa caalamka ka timid kadib markii qof isku qarxiyay maqaayad magaalo madaxda Afghanistan ee Kabul.

Ugu yaraan labaatan qof ayaa ku dhintay. Waxaa ka mid ah dadka dhintay, madaxii Hayadda Lacagta Adduunka ee IMF ee Afghanistan, Wadel Abdallah, iyo afar shaqaale oo u shaqeeya Qaramada Midoobay.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Banki Moon, ayaa cambaareeyay weerarka isagoo ku tilmaamay wax xun.

Banki Moon, ayaa sheegay in weerarka lala beegsado rayidka ay yihiin wax aan la aqbalayn oo ka soo horheeda sharciga bini'aadannimada caalamiga.

Maqaayada oo ku taala meelaha ugu qaalisan Kabul, ayaa waxaa u badnaa ajnabiga iyo shaqaalaha dowladda. Saddex iyo toban qof oo ka kala yimid Canada, Ruushka, Labnaan iyo Britain ayaa dhintay, dadka intiisa kale waxay u dhasheen Afghanistan. Waxaa ku jiray dadka dhintay ninkii lahaa maqaayada oo ka yimid Labnaan.

Taliban ayaa sheegay inay weerarka qaadeen. Boliiska ayaa sheegay in qofka uu isku qarxiyay maqaayada albaabkeeda.

Laba nin oo hubaysan ayaa xabado ku furay dadka qaraxa kadib.