UN oo ka noqotay casuumaadda Iran

Ban Ki-moon Lahaanshaha sawirka AFP

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa dib uga laabtay casuumaad uu horey ugu fidiyay dowladda Iran, si ay goobjoog uga noqoto wadaxaajoodka nabadeed ee Suuriya

Shir hordhac ah oo dhinacyada Suuriya iyo waddamada daneeya arrimaha dalkaas ay ka qeyb galayaan ayaa maanta ka furmi doono Switzerland.

Afhayeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqay go'aanka Iran casuumaadda loogala noqday.

Maalin ka hor, ayuu xoghaya guud ee Qaramada Midoobay casuumaad u fidiyay Iran si ay uga soo qeybgasho furitaanka shirka nabadda Suuriya.

Balse waxaa arrintaas si weyn uga soo horjeestay Isbahaysiga Qaran, oo ah kooxda ugu weyn mucaaradka Suuriya.

Waxay sheegeen in aanay ka qeybqaadan doonin shirka haddii casuumaadaas laga noqon waayo.

Mucaaradka ayaa haatan soo dhaweeyay go'aanka Qaramada Midoobay ay uga noqotay casuumadda Iran.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Mucaaradka Suuriya ayaa ka horjeestay casuumaadda Iran ee shirka nabadda

Maraykanka ayaa sidoo kale soo dhaweeyay in Iran laga reebo ka qeybgalka wadaxaajoodka nabadda ee Suuriya.

Iran ayaan weli ka hadal casuumaddaas lala noqday.

Balse safiirka dalkaas u fadhiya Qaramada Midoobay, Maxammad Khazaee, ayaa sheegay in mustaqbalka Suuriya uu ku xiran yahay shacabka dalkaasi.

Wadaxaajoodka hordhaca ayaa lagu wadaa in ay maanta ka furmaan magaalada Montreux ee dalka Switzerland, ka hor inta aysan si buuxda maalinta Jimcaha uga furmin magaalada Geneva.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan