Weriye Anne Waithera oo geeriyootay

Image caption Anne Waithera

Weriyaha BBC, Anne Waithera, ayaa xalay ku geeriyootay cisbitaal ku yaalla magaalada Nairobi.

Anne ayaa labadii sano ee lasoo dhaafay la xanuunsaneyd cudurka kansar-ka.

Waxa ay jirtay 39 sano.

Anne ayaa BBC kusoo biirtay sanadkii 2009, waxaana ay idaacadda uga soo warrami jirtay wadanka Kenya.

Waxaa ay ahayd weriyihii ugu horreeyay ee laba luuqadood kusoo warramo ee ay BBC-da u dirsatay magaalada Addis Ababa.

Geerida Anne ayaa kusoo beegmaysa maalmo yar un kadib markii uu BBC-da ka geeriyooday weriyihii caanka ahaa ee Komla Dumor, oo ku dhintay London.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan