Madaxweyne Morsi oo hor yimid Maxkamad

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Maxamed Morsi oo ku dhex jira meel xiran maxkamada dhexdeeda.

Madaxweynihii hore ee Masar Maxamed Morsi, ayaa maxkamad hor yimid mid ka mid ah afar dacwadood oo lagu qaadayo.

Dacwadan ayaa Madaxweyne Morsi iyo afar iyo toban kale oo ka tirsan xisbiga Akhwaan Muslimiin ayaa loo haystaa inay guubaabiyeen dilista dad ku banaanbaxayay Giriga Madaxweynaha hortiisa 2012kii.

Isaga iyo dadka kale ee la xukumayo ayaa waxay ku jireen meel xiran oo muraayad iyo biro ka samaysan.

Maxkamadda horteeda dad mudaaharaadayay ayaa weerarary gaariga qareenka Morsi, iyagoo isku dayay inay hor istaagaan maxkamada inuu galo.

Maxamed Morsi ayaa milatariga xukunka ka qaadeen sanadkii hore kadib mudaaharaadyo wayn oo looga soo horjeeday.