Liibiya oo burburisay hubkeeda kiimikada

Libya Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Maxamed Cabdulcasiis, wasiirka arrimaha dibada ee Liibiya

Dowladda Liibiya ayaa soo afjartay burburinta keydka hubkeeda kiimikada ah, burburintaasi oo ay soo bilowday sanadkii 2004-ta.

Shir jaraa'id oo ay ka qeyb galeen ergo sare oo ka socota Beesha Caalamka, oo xalay lagu qabtay caasimadda Tripoli, ayaa shaaca looga qaaday soo afjaridda burburinta keydka hubka kiimikada ee Liibiya.

Hannaankanna waxa uu soo bilowday sagaal sano ka hor, xilligaas oo uu Liibiya ka talinayay Mucamar al-Qadaafi.

Burburinta hubka kiimikada ah ayaa waxaa Liibiya gacan ka siiyay waddamada Maraykanka, Jarmalka iyo Kanada.

Agaasimaha Guud ee hay'adda mamnuucida hubka kiimikada, Ahmet Uzumcu, oo shirka jaraa'id ka hadlay ayaa tallaabada ku tilmaamay hormar wanaagsan oo ay ku dhaqaaqday Liibiya.

Waxa uuna intaa ku daray in ay tusaale wanaagsan u tahay iskaashiga caalamiga ah ee hubka kiimikada ah ku aaddan, midka haatan ka socda waddanka Suuriya.

Wasiirka arrimaha dibada ee Liibiya, ayaa dhankiisa ku tilmaamay burburinta tallaabo taariikhi ah oo ay Liibiya qaadatay, kana dhalatay wadashaqeyn ay la yeesheen saaxiibadooda Caalamka.

Sanadkii 2004-ta, Liibiya ayaa lagu qiyaasay in ay haysatay 13 tan oo ah gaaska kiimikada ah ee Mustard-ka.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan