Mareykanka: Sochi waa la weerari karaa

sochi Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Ciidammada Ammaanka waddanka Ruushka oo ku sugan magaalada Sochi ee ay ka dhacayaan ciyaaraha Olimbikada qaboobaha.

Waaxda Mareykanka u qaabilsan ammaanka gudaha, ayaa lagu soo warramayaa in ay uga digtay diyaaradaha u duulaya waddanka Ruushka, in kooxo argagixiso ah ay qorsheynayaan in ay diyaaradaha ku dhex qariyaan walxaha qarxa oo laga soo buuxiyay caagadaha yar yar ee ay ku jiraan dawooyinka lagu cadeysto.

Digniinta ayaa kusoo beegmaysa xilli kumannaan qof ay u safrayaan magaalada Sochi, ee waddanka Ruushka, si ay ugu daawasho tagaan ciyaaradaha Olympic-da ee la qabto xilliga qaboobaha ah.

Sarkaal ka tirsan Waaxda Mareykanka u qaabilsan ammaanka gudaha oo magaciisa qariyay, ayaa warbaahinta Mareykanka u sheegay in waaxda ay digniin u jeedisay diyaaradaha sida tooska ah ugu duula waddanka Ruushka, kuwaas oo qaar ka mid ah ay ka duulaan gudaha Mareykanka.

Warkan kasoo baxay waaxda ayaa lagu sheegay in ay la wadaagto macluumaadka muhiimka u ah waddamada uu Mareykanka xiriirka la leeyahay, oo ay ku jiraan kuwa qabanaya tartamada caalamiga ah sida Olimbikada ka dhacaysa Sochi.

Waaxda ayaa intaa ku dartay in aysan ka war qabin khatar gaar ah oo hadda kusoo wejahan Mareykanka.

Waxaa jirtay cabsi ballaaran oo ku aaddan ammaanka ciyaaraha Olympic-ga ee xilliga qaboobaha, kaddib markii dad is qarxiyay ay bishii Diseembar ee lasoo dhaafay ay ku dileen 34 qof magaalada Volgograd ee waddanka Ruushka.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan