Qaraxyo ka dhacay Muqdisho

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Qaraxyada ka dhaca Muqdisho waxaa inta badan sheegta al-Shabaab

Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhaawacantay qarax labaad oo ka dhacay magaalada Muqdisho hotelka Oriental ee degmada Shibbis ku yaal.

Wararku waxa ay sheegayaan in qaraxan baabuur isna loo isticmaalay xilli uu shir dhinaca ammaanka ah uu ka socday hotelka.

Dadka ku dhaawacmay ayaa waxay yihiin dhammaantood rayid.

Mar sii horreysay ayaa isna waxaa qarax kale oo baabuur uu ka dhacay jidka Maka Al-mukarama ee magaalada Muqdisho waxaana ku dhaawacmay guddoomiye ku xigeenkii Amniga gobolka Shabeellada Hoose, Axmed Cumar Maxamed (Mudan) kadib markii baabuurkiisa loogu xiray waxyaabo qarxa.

Lama ogga cidda ka dambeysa weerarradan qaraxyada ah. Laakiin qaraxyada ka dhaca magaalada Muqdisho waxaa inta badan sheegta al-Shabaab oo dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya iyo ciidanka Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya.