Wareegii labaad ee wadahadalka Suuriya

Lahaanshaha sawirka c
Image caption Wadahadalka dhinacyada isku haya Suuriya

Wareegii labaad ee wadahadalka nabadda ee Suuriya ayaa maanta ka furmay magaalada Geneva.

Dhex-dhexaadiyaha Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Suuriya, Lakhdar Brahimi, ayaa kulan la leh ergada matalaysa mucaaradka iyo kuwa xukuumadda Suuriya.

Wareegii koowaad ee wadahallada ayaa soo xirmay toddobaad ka hor, iyada oo aan heshiis laga gaarin joojinta colaada ka taagan waddaankaasi.

Toddobaadkii tegay waxaa gar gaar bani’aadanimo la gaarsiiyay shacab ku go’doonsanaa magaalada, iyada oo qaar ka mid ah dadkaasina magaalada laga daad gureeyay.

Dowladda Faransiiska ayaa sheegtay in ay soo bandhigi doonto qorshe la horgeynayo Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaasi oo ku amaraya dhinacyada isku haya Suuriya, in ay si deg deg ah u ogolaadaan gaarsiinta gaar gaar bani’aadannimo, magaalyiinka go’doonsan ee ku yaalla waddaankaasi.

Dhanka kale, dowladda Suuriya ayaa qiratay in ay xirtay qaar ka mid ah dadkii laga soo daad gureeyay magaalada Xims maalintii Axada ahayd.

Afhayeen u hadlay wasaaradda warfaafinta ee Suuriya ayaa BBC-da u sheegay in 103 qof oo ay ciidammadu ugu shakiyeen in ay ka tirsan yihiin xooggaga mucaaradka la xiray, balse markii dambe la sii daayay.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan