Afghanistan oo sii daysay maxaabiis

Afghanistan
Image caption Xabsi Afghanistan ku yaalla

Dowladda Afghanistan ayaa sii daysay 65 maxabuus oo Maraykanku u arkaan inay mas'uul ka yihiin dilka cidanka caalamiga ee ku sugan dalkaas.

Maraykanka ayaa arrintaas si weyn u cambaareeyay.

Warbixin ay soo saartay safaaradda Maraykanka ee Afghanistan ayaa lagu sheegay in go'aanku yahay mid laga xumaado.

Warbixinta ayaa ku eedeysay madaxweynaha Afghanistan Xaamid Karzai, inuu shakhsi ahaan mas'uul uga yahay sii daynta maxaabistaas.

Maraykanka ayaa ka codsaday dowladda Afghanistan inay samayso dadaallo lagu hubinayo in dadka la sii daayay aanay gaysan dambiyo hor leh.

Dowladda Afghanistan ayaa sheegtay in raggan ay mayal adayg ku beeri karaan maxaabiista kale haddii xabsiga ay ku sii jiraan.

Weriye BBC-da u shaqeeyo oo jooga dalka Afghanistan ayaa sheegay in tani ay astaan xiriirka sii xumanayo ee u dhexeeya labada dal.

Madaxweynaha Afghanistan Xamid Karzai ayaa horey u diiday inuu saxiixo heshiis dhanka ammaanka ah iyadoo Maraykanka uu doonayay in ciidammadiisa ay ku sii haraan dalkaasi kaddib marka ay baxaan ciidammada caalamiga ah ee uu hormuudka ka yahay sanadkan 2014-ta.

Karzai ayaa diiday qodob ka mid ah heshiiskaas oo u oggolaanayay ciidammada Maraykanka inay baaraan guryaha dadka rayidka ah ee reer Afghanistan.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan