Carwada dumarka ganacsatada ah ee Hargeisa

Hargeisa

Magaalada Hargeisa, waxaa rasmi ahaan looga furay maanta carwo ganacsi oo loo bixiyay Carwada Ganacsi ee Hal-abuurka Dumarka.

Waxaa ka soo qayb galay 50 haween ah oo ganacsiyo kala duwan ku leh Hargeisa.

Waxaa ka mid ah dumar leh meherado lagu iibiyo qalabka guryaha, dharka haweenka iyo carruurta iyo meheradaha lagu qurxiyo haweenka.

Waxaa kaloo ka mid ah ganacsiga haweenku ku soo bandhigeen carwadan; khudaarta laga beero dalka oo badi haween ka ganacsadaan iyo qalabka hiddaha iyo dhaqanka Soomaalida.

Carwadan waxaa soo qabanqaabisay hay'adda shaqada adduunka ee ILO sida ay BBC u sheegtay Safiya Cisman Taani oo ah sarkaal ka tirsan ILO xafiiskeeda Hargeisa.

Waxay sheegtay in ujeedadu tahay sidii dumarka loogu dhiirragelin lahaa shaqada iyo ganacsiga oo shaqo abuur loogu samayn lahaa .

Carwadan ayaa ah tii ugu horreysay ee nooceeda oo kale ah ee lagu qabto Somaliland.

Dad badan ayaa booqanaya goobta ay ka socoto ee Hotel Maansoor, iyadoo dadka qaarkood iibsanayaan ganacsiga haweenku ku soo bandhigeen carwadan.