Ayax halis ku ah Somaliland

Somaliland
Image caption Dowladda Somaliland ayaa ka walwalsan ayaxa

Wasaaradda beeraha ee somaliland ayaa walwal weyn ka muujisay ayax ku habsaday dhul-daaqsimeedka gobollada Selel , Awada, Saaxil iyo sanaag.

Ayaxa ayaa badhtamihii bishii november 2013 ka dillaacay dhulka ciidda bacaadka ee xeebaha badda cas ee Somaliland.

Dadka degaanka ayaa BBC-da u sheegay in ayax aad u tiro badan uu ku soo duulay goobaha ay ka mid yihiin :banka geriyaad ee saylac u dhow , cabdi-geeddi , ceel-daraad, lughaya , iyo banka goobaale ee saaxil.

Gudoomiyaha gobolka Selel ee Saylac Cabdirasaaq Waaberi ayaa BBC u sheegay isagoo tegay dhul-daaqsimeedka banka geriyaad in daaqii uu dhameynayo ayuxu.

Lahaanshaha sawirka BBCpersian.com
Image caption Ayaxa ayaa xaalufiyo dkulka uu ka dillaaco

Warsaxaafadeed ay soo saartay wasaaradda beeraha Somaliland waxay ku sheegtay inay adagtahay xoolaha oo haatan ku badan jiidahaasi darteed in aagaasi lagu buufiyo sunta ayaxa.

Waxay wasaaradu ku talo bixisay in la isticmaalo habka makaanikalka ah oo lagu dabar-jaro ayaxa.

khatarta ayaxa waxaa kulan ka yeeshay madaxweynaha somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo wakiilka hay'adda FAO ee Somaliya Luca Alinovi oo socdaal ku yimd Hargeisa , sida uu sheegay wasiirka beeraha Somaliland Ibraahim Cilmi Geedoole .

Ayaxa ayaa markii hore ee uu dillaacay aan socon kareyn hase yeeshe hadda uu kobcay oo waa uu soconayaa.

Waxay wasaaradda beeruhu sheegtay in ayaxa uu u gudbi karo dalalka Itoobiya iyo Djibouti .