Korinta carruurta ayaa ka qaalisan guryaha Britain

Britain

Waalidiin badan oo ku nool Britain ayaa sanad kastaa ku bixiyo xanaanada caruurta lacag ka badan tan guryaha lagu iibsado.

Warbixin ay soosaartay hay'ad ka shaqeyso qoysaska iyo xanaanada caruurta waxay xustay, in halka canug ee iskuulka carruurta dhigto iyo mid kaloo dugsi hoose dhexe dhigto ay sanad kastaa ku baxdo 7,549 giniga Ingriiska.

Lacagta lagu bixiyo guryaha deymaha lagu qaato ayaa gaareysa sanadkiiba 7,207 oo giniga Ingriiska ee u dhiganto 11,000 oo doolar.

Carruuta wax ka barata Iskuulada maalinta oo dhan lagu jiro ayaa laba jeer ka badan lacagta guryaha lagu iibsado, waxayna gaareysaa 11,700 oo giniga Ingriiska.

Warbixinta ayaa laga uruuriyay, maamulada deegaanada, waalidiinta iyo laamaha keydiyo wararka caruurta la xiriira, waxaana laga qaaday dadka ku nool England, Wales iyo Scotland.

Qoraalka ayaa lagu xusay in xanaaneynta caruurta ay noqotay mid aad u adag tani iyo sanadkii 2009-kii ayna gaartay boqolkiiba 27.

Warbixinta waxay intaa ku dartay in barlamaanka hadda jiro uu meel marin doono £1bn oo dheeraad ah si sare loogu qaado taageerada carruurta.

Qoraalka ay soo saartay OECD waxaa kaloo lagu xusay in waalidiinta Britaine ay dhinac iska dhigaan qeybta ugu badan ee Mushaarkooda si ay awood ugu yeesheen xanaanada carruurta.