Libya oo lagu wareejiyay Saacadi Qadaafi

Saacadi Qadaafi Lahaanshaha sawirka Reuters

Dowladda Niger ayaa sheegtay inay Libya u dhiibtay wiil uu dhalay hoggaamiyihii hore ee dalkaas Saacadi Qadaafi.

Saacadi ayaa la sheegayaa inuu haatan ku sugan yahay maagaalada Tripoli ee caasimadda dalka Libya.

Waxaa loo haystaa dambi ah inuu rasaas ku riday dadka ka qeybqaadanayay dibedbaxyadii xukunka looga riday aabihii, Mucammar Qadaafi.

Sawirro la soo geliyay internet-ka ayaa muujinayay Saacadi oo laga xiirayo garka iyo timaha.

Saacadi ayaa Libya ka cararay kaddib markii aabihi la dilay sanadkii 2011-ka.

Dowladda ayaa arrintan ku xaqiijisay warbixin gaaban oo ay soo saartay.

Niger ayaa dhowr jeer oo hore diidday dalab uga yimid Libya oo ahaa in loo dhiibo Saacadi Qadaafi.

Sanadkii 2012-ka, ayay boliiska caalamiga ee Interpol soo saareen dalab ahaa in la soo xiro Saacadi Qadafi oo loo soo dhiibo dowladda Libya.

Saif Al-Islam Qadaafi oo ah wiil kale oo uu dhalay Qadaafi, ayaa isaguna lagu hayaa magaalada buuralayda ee Zintan.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan