Dad ku dhintay dibedbaxyada Turkiga

Turkey Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Boliiska ayaa kala diray dibedbaxayaasha

Wararka ka imaanaya dalka Turkiga ayaa sheegaya in laba qof ay dhinteen intii ay socdeen dibedbaxyo ballaaran oo daafaha dalka oo dhan ka dhacay.

Dibedbaxyadan waxay daba socdaan aaska wiil 14 sano jir ahaa oo u dhintay dhaawac ka soo gaaray dibedbaxyo kale oo dhacay sanad ka hor.

Warbaahinta Turkiga ayaa sheegtay in qof ka mid ah dibedbaxyayaasha uu u dhintay dhaawac madaxa ka gaaray, kadib markii booliska ay isku dheceen muddaaharaadayaasha Istanbul.

Bariga dalka Turkiga waxaa laga soo sheegayaa in askari uu u dhintay wadna xanuun, isagoo ku guda jiro kala diridda dibedbaxayaasha.

Tobanaan kun oo ruux ayaa ka qeybgalay aaska wiilka yar.

Waxay ku heesayeen ereyo dowladda ka dhan ah, iyagoo naxash-ka maydka uu ku jiray la marayay jidadka.

Rabshado kale ayaa ka billawday duleedka caasimadda Ankara, iyo magaalada Izmir.

Dibedbaxyadan waxay ka dhasheen geerida Berkin Elvan, oo dhintay Talaadadii, kadib markii uu muddo miir daboolnaa.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan