Uganda oo ka digtay weerar Al-Shabaab

Uganda
Image caption Ciidammada AMISOM

Mas'uuliyiinta Ugandha ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ay qorsheynayaan weerar is-qarixin ah oo ay u adeegsadaan booyadaha shidaalka.

Madaxa boliiska Ugandha, Kale Kayihura, ayaa BBC-da u sheegay in la soo gaarsiiyay warar sirdoon oo lagu kalsoonaan karo.

Waxaa uu leeyahay kooxda ay doonayso in gawaari shidaal ay ku dhex qarxiso magaalada Kampala.

Kayihura ayaa sheegay in Al-Shabaab ay doonayso in ay dhibaato weyn gaarsiiso dadka rayidka iyo hantida.

Waxa uu sheegay inay ilaalo gaar ah siinayaan shirkadaha gawaarida shidaalka qaado.

Ugandha waxay kamid tahay dalalka ay ciidammada ugu badan ku deeqay howlgalka midowga Afrika ee Somaliya si ay Al-shabaab ula dagaalamaan, waxaana ka joogo qiyaastii lix kun oo askeri.