Isra'iil oo duqaysay Suuriya

Diyaaradaha dagaalka ee Isra'iil
Image caption Diyaarad dagaal oo Isra'iil ay leedahay

Isra'iil ayaa weerarro dhanka cirka ah ku qaadday goobo ay degan yihiin militeriga Suuriya.

Weerarrada dhanka cirka ah ayaa lala beegsaday xarumo tababar iyo xarun ay leyihiin militeriga Suuriya.

Dowladda Isra'iil ayaa sheegtay in weerarradan ay ugu jawaabayeen qarax lala eegtay ciidammada Isra'iil.

Waxaa weerarka ku dhaawacmay ugu yaraan afar askari oo reer Isra'iil ah.

Dowladda Suuriya ilaa haatan kama hadlin arrintan.

Dalka Suuriya waxaa ka socda dagaal sokeeye oo u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka hubaysan ee ka soo horjeeda.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Burbur ballaaran oo ka dhashay dagaalka Suuriya

Dowladaha Ruushka iyo Iran ayaa taageera dowladda madaxweyne Bashar Al-Asad.

Waddamada reer galbeedka iyo gacanka carbeed ayaa iyaguna taageera mucaaradka hubaysan.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan