Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Cabdullaahi Ugaas Muxumed
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Ugaas ka waramay socdaalkiisa Europe

Waxaa xaruntan BBC marti noogu ahaa maanta Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Cabdullaahi Ugaas Muxumed, oo ka mid ah madaxda dhaqanka Soomaaliyeed oo muddo bil ka badan socdaal ku kala bixinayay waddammo ka tirsan qaaradda Yurub oo uu kula kulmay jaaliyadaha Soomaalida.

Ugaas Cabdiraxmaan, waxaa uu hogaamiyaa mid ka mid ah beelaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan dhowr gobol ee dalka Soomaaliya.

Axmed Cabdinuur ayaa Ugaas Cabdiraxmaan ka waraystay safarkiisa oo ah markii ugu horreysay ee Yurub uu cag soo dhigo. Waxaa uu matrka hore weydiiyay waddammada ay booqdeen isaga iyo xubno kale oo la socday.