Dadaal ah in la joojiyo dilka CAR

Ban Ki-moon Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-moon ayaa ballan qaaday in uu sameyn doono wax kasta oo suuragal ah si wax looga qabto dilka ka socda Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika.

Waxa uu sheegay in dadka halkaas ay u liitaan dhimasho iyo xadgudubyo xad dhaaf ah.

Ban ayaa hadlayay ka hor kulan gaar ah oo looga xaajoonayo Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika, kulankaas oo ka garab dhici doona shirweynaha ay Brussels ku leeyihiin hogaamiyayaasha Yurub iyo Afrika.

Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ayaa sheegtay in ay isku dayayso in ay dib u dejin u sameyso 19,000 kun oo Muslimiin ah oo ku nool dalkaas.

Dadkaas ayaa la sheegay inay halis ku hayaan maleeshiyaadka Kiristaanka ah.

Ban Ki-moon ayaa sheegay in loo baahan yahay tallaabo degdeg ah si wax looga qabto dhibaatada Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika.

Ciidammada Fransiiska iyo Midowga Afrika ayaa horey ugu dhawaaqay inay la dagaallamayaan Dablayda Kiristaanka ee laynayso dadka Muslimiinta ee Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan