Lubnaan: Qaxootiga Suuriya oo milyan gaaray

Lubnaan Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Qaxootiga Suuriya ee ku sugan Lubnaan oo gaaray hal milyan

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ay maanta dalka Lubnaan ku diwangelin doonaan qofkii milyanaad ee qaxootiga Suuriya ee ku sugan dalkaas.

Hay'adda arrimaha qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNHCR ayaa xaalada ku tilmaamay mid aragax leh.

Waxay sheegtay in waqtiba waqtiga ka sii dambeeya ay sii kordheyso tirada qaxootiga Suuriya ka soo baxsanaya.

Madaxa UNHCR Anteno guteris ayaa shegeya in Lubnaan ay dhibaato ka soo gaartay martigalinta qaxootiga oo culeys badan saaray dhaqaalaha waddankaas.

In ka bdan labo milyan iyo bar ruux oo u dhashay Suuirya ayaa qaxooti ku ah Turkiga, Jordan, Iraq iyo meelo kale balse Lubnaan ayaa martigalisay qaxootiga ugu badan.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan