Diyaaraddii oo qaab kale loo raadinayo

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Markab ka qayb qaadanaya baadigoobka diyaaradda la la'yahay.

Kooxaha baadigoobka ugu jira diyaaradda Malaysia ee la la’yahay ayaa billaabay waji cusub oo lagu baadigoobaya diyaaraddaasi.

Howlgalkaasi baaritaanka ah ayaa waxa uu ka dhacayaa gunta hoose ee badda iyada oo biyaha hoostooda laga raadinaya astaan muujinaysa alaadda duubta macluumaadka ee diyaaraddaasi.

Saraakiisha dalka Australia ee hormuudka ka ah halwgalkaasi baadigoobka ayaa sheegaya in laba markab oo ku qalabeysan aaladaha elegtaroonig ah ee loo adeegsado sahanka ay biyaha hoostooda qiyaastii 240 kilo mitir ka baadigoobi doonaan diyaaradda.

Hawlgalkani lagu raadinaya diyaadaddani maqan ayaa waxaa maanta ka qeyb qaadan doona 14 diyaaradood iyo sagaal markab, waxaana hawlgalkani uu billaabanayaa ku dhawaad afar usbuuc kaddib markii diyaaraddaasi la waayay.

Saraakiisha ayaa sheegaya in ay wali rumeysan yihiin oo ay kalsooni weyn ku qabaan suurtagalnimada ah in biyaha bad weynta Hindiya laga helo qeyb ka mid ah burburka diyaaraddaasi.