Arday lagu dhaawacay Maraykanka

Iskuulka Franklin Regional High School Lahaanshaha sawirka ABC

Ugu yaraan labaatan arday ayaa lagu dhaawacay dugsi sare oo ku yaalla gobolka Pennsylvania ee dalka Maraykanka.

Qof looga shakisan yahay in uu ka mid yahay ardayda iskuulka, ayaa mindi ku weeraray ardayda oo dhigata dugsiga Franklin Regional High School, ee ku yaalla Pittsburgh, sida uu sheegay telefishinka ABC News.

Afar kamid ah ardayda ayuu dhaawacoodu culus yahay.

Dugsiga ayaa hadda la xiray, waxaana baaritaan ka wada booliska.

Ardayga laga shakisanyahay ayaa hadda ku jira gacanta booliska, waxaana la waydiinayaa su’aallo.